Ninkii ugu horreeyay ee diyaarad sameeyay
𝐂𝐚𝐛𝐛𝐚𝐚𝐬 𝐢𝐛𝐧𝐮 𝐟𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐬
(Ninkii ugu horreeyay ee diyaarad sameeyay)
Nabad iyo nagaansho ha idiin ahaato saaxiibayaal.
Kumanaan sano kahor aadamuhu waxay markasta ku riyoon jirreen inay mar uun sida shinbiraha hawada duullaan, dad badan oo xiliyadaas noollaa way isku dayeen innay samaystaan baadad oo ay duulaan laakiin majirin qof ku guulaystay oo aan ka ahayn cabaas ibnu firnaas
Abu al-Qasim cabbaas ibnu Firnaas wuxuu dhashay taariikhdu markay ahayd 809kii nabi ciise dabadii wuxuuna dhintay taariikhdu markay ahayd 887.
Abbas ibn Firnas wuxuu kasoo jeeday qoomiyada Berberka ee Andulus.
Cabaas ibnu firnaas
wuxuu ahaa kiimiko yahan, saynisyahan,xidigiye,
Injineer, dhakhtar iyo muusik yaqaan!!
Taariikhyahan aljeeriyaan ah oo lagu magacaabo Axmed Muxamed al-Maqqari ayaa mar uu taariikhda cabaas ibnu firnas ka waramayay wuxuu yidhi÷
"Cabaas wuxuu samaystay baadad wuxuuna iskaga dhajiyay labada dhinac kadib wuxuu ku dul istaagay fooq/dabaq dheer si uga soo duulo, cabaas ibnu firnaas wuu ku guullaystay inuu masaafo dhawr boqol oo mitir ah duullo hawadana yar heehaabo, laakiin nasiib darro wuxuu si xawli ah ugu soo dhacay dhulka.
waxayna waxyeelo xooggan kasoo gaadhay dhabarka .
cabaas ibnu firnaas waxa kale oo u ahaa saynisyahan iyo injineer oo wuxuu yaqaanay sida loo sameeyo quruuradaha(glass) iyo kiimikooyinka.
cabaas ibnu firnaas waxa kale oo uu soo saaray qalab sheegaya meerayaashu sida ay qoraxda ugu dul wareegaan (planetary indicating machine).
Taalada sawirka hoose waa cabbaas ibnu firnaas oo ku taalla garoonka diyaaradda ee baqdaad
0 Comments