Please enable JavaScript to access this page. Maxaa inoo diiday hal- abuurka?

Maxaa inoo diiday hal- abuurka?

 

Maxaa inoo diiday hal-                          abuurka?


 

--------------------------------
Tan iyo abuurkii bani-aadanka dunidu waxa ay ku tiirsan tahay hal-abuurka bani-aadankii kala danbeeyey, kaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa sii casriyoobaya isaga oo la jaan qaadaya hadba baahida taagan xilligaas. Curinta waxyaabo cusub iyo horrumarinta kuwii hore u sii jiray ayaa noqday waxa ugu muhiimsan ee bani-aadanku ku loollamo kuna kala awood badiyey. Curintaasi waxay ka imanasay qayb kala duwan oo nolosha dadka iyo dhulka taabanaya. Qaybahaas anigu waxaan ku soo koobay laba qaybood oo waaweyn kuwaasi oo kala ah;
1. Curinta qalabka(Material), qaybtan waxaa soo hoos galaya dhammaan wixii qalab ah sida: hub, mobile, dhar, dhuuni, qalin, waraaq IWM.
2. Curinta fikradaha(Ideas/Theories), qaybtan iyadana waxa soo hoos galaya dhammaan fikradaha dunida ku loollamaya ee taabanaya nolosha dadka sida: fikradaha dhaqaalaha, siyaasadda, sayniska, falsafadda, diinta. Kuwaasi oo dhammaantood ka soo fulay maanka aadanaha laguna qasay qaarkood diimihii Alle soo dajiyey oo badhkood la dhalan rogay.
Ummadaha adduunka ku nooli badankoodu waxay ka qaataan adduun-araggooda labaadaas hal-abuur ee aan kor ku xusay, kadib waxaa soo baxay qof ku hubaysan qalab casriya iyo fikradii(aaminaadii) uu ku qancay ee uu kala baxay kuwii la abuuray ama soo degay. Soomaalidu waa dad Muslim ah uma baahna caqiido samays ah ee waxa ay u baahan tahay aqoon iyo qalab samays ah, oo ay uga faa'idaysato danaheeda adduun.
Haddii aynu jawaab u raadino su'aashii ahayd maxay Soomaalidu ama Afrikaanku u abuuri waayeen aqoon iyo qalab? ARAGTIDAYDU waxa ay ku soo urrurtay qodobadan hoose;
1. Wacyi la'aan(Baraarug la'aan); ummadda Afrikaanku ama Soomaalidu kuma baraarugsana qiimaha ay leedahay aqoonta iyo isku filaanshaha ummadeed, taasi waxaa ay keentay in hankeenu aad u yaraado oo aan laga fikirinba wax dhaafsan hunguri; shaqo iyo cunno.
Wacyi la'aantu waxay keentay in bulshadu wax aan dantooda ahay ku mashquulaan, wakhtigana ku lumiyaan sida; qabyaalad, isku-faan beena, balwado, fadhi-kudirir IWM. Wacyi la'aantu waa in bulshadu abaar fikradeed ku dhacdo taasi oo keentay adduun arag gaaban iyo nolol aan jiho lahayn. Doonistii baa inaga dhimatay, inaad ikhtiraac la timaad inaad doonto ayaa ka horaysa! Marka wacyi caafimaad qaba la abuuro ee ummadda tartan la geliyo waxa badan doona hal-abuurka iyo horrumarka.
2. Kayd aqooneed(Scientific encyclopedia); inaad wax cusub curisaa waxay ku xidhan tahay inaad wixii hore u jiray wax ka ogtahay, haddii uuna jirin dariiq kuu baxsan oo aad raacdo, waxna ku dari karto suurgal maaha inaad mid cusub kaligaa jeexdaa. Dunidu intii ay soo jirtay horrumarka iyo aqoonta way soo kala dhaxlasay, sidaas awgeed markaad wax bilaabaso waa inaad dhaxalkii aadanaha wax ka haysataa.
Dhaxalka aqooneed ee basharka waxa aynu ku heli karnaa innaga oo urrurina, turjuna oo tafotirna aqoontii iyo afkaarta uu aadanuhu ka tegay kadibna kala baxna wixii faa'ido leh kuna darna wixii inoo suurtagal ah. Waa taas curinta dhabta ahi. Dadkii Islaamka ahaa ee hore waxba may curin kaligood ee xadaaradihii ka horeeyey ayey wax ka qaateen kuna turjumeen afkoodii, dadkii ay wax ka qaateen waxaa kamid ahaa: Giriigii hore, Hindi iyo Masaaridii hore. Sidaa si lamid ah reer Yurub waxay soo turjunteen aqoontii Islaamku sii horrumariyey iyaguna in badan bay ku dareen kadib markii dariiqii iyo xogtii aadanaha ay heleen.
Xog la helyaaba waa xal la hel. Ummadu waxa ay wax curin kartaa uun marka kayd aqooneed ama murti aqooneed oo balaadhan ay hesho. Si dadka Soomaalidu wax u curiyaan waa inay fahmaan wixii jiray, afkoodana ku kaydiyaan aqoontan casriga ah. La'aanta kayd aqooneed ayaa keenaya abaar aqooneed oo sababta curin la'aan.
3. Maalgelin la'aan; natiijada fiican waxaa la arkaa uun marka maalgelin fiican la qadimo, maalgelintu dhinacyo badan bay noqon kartaa; in dhaqaale badan lagu bixiyo sidii wax soosaar aqooneed loo heli lahaa, in aqoonyahanka ummadda la urruriyo si ay u keenan afkaartooda aqooneed iyo mid turjumanba, in manhajyo iyo macllimiin tayo leh la soosaaro, in arday badan daafaha dunida loo diro si aqoon fiican ay ula soo noqdaan, in goobo akhris oo badan la sameeyo. Dhinacyadaas oo dhammi dhaqaalihii ku bixi lahaa in la helo ayaa muhiima.
4. Baahi tir; reer Yurub baahi ay qabeen ayaa keentay in ay waxay leeyihiin samaystaan, innagana way innaga baahi tireen oo way innaga iibiyaan qalabkooda. Markii hore iyagu meel ay ka soo iibsadaan may jirin kadib waxaa qasab noqotay inay hal-abuurtaan ileen waa tii hore loo yidhi "Baahidu waa hooyada wax soo saarka" Balse innagu waa in aynu lacagta shubnaa si aynu qalab u helo, taasi baa inoo fudud aqoon wax lagu soo saarto ma hayno baahina ma jirtee-meel laga iibsado baa jirta- oo waa la ina baahi tiray. Waa sida aynu ku qanacnay! Markaa arinku waa in wiilka iyo gabadha yar ee reer Yurub ama Maraykan jeebkaaga maalaan!
Gunnaanadkii, dadka Soomaaliyeed ama reer Afrika ma garaad hooseeyaan se, waxa ay u baahan yihiin in caqabadahan lala xalliyo, fursadna loo abuuro. Kolkaas waa gar in hal-abuur yimaad.

Post a Comment

0 Comments