----------------
Wakhtiga badan ee dugsiyada waxbarashada lagu bixinayaa waa khasaare uun, wax aan ahayn khiyaano, wakhti lumis, wanjalaad iyo lugooyo cad lagama dhaxlo. Muddo laba iyo toban sanno ah wax weyn baad ku qabsan kari lahayd intaad meel cidla ah fadhigeeda ku qaadan lahayd, ileen dugsigu cidlo waxba ma dhaamee. Dugsiyadu waa mashruuc ganacsi oo aan wax u jeeddo badbaado nafeed ah ka lahayn ardayga. Waa tukaamo jahliga faafiya. Waa dad qayrul masuula oo dadkii maskaxda ka qabsaday, kana dhaadhiciyey dugsi la'aantii lama guulaysan karo ama waxba lama baran karo, taasina waa been cad oo u baahan in dadka laga xorreeyo.
Ugu yaraan dugsigu inuu ka fekero bay ahayd; qofkan ardayga ahi ma isku filnaan karaa marka uu xeradan ka baxo? Sidee ayuu waaqica sugaya ugu jawaabi karaa? Labadaa su'aalood haddii si wacan looga jawaabo intaas baa hiil u ahaan lahayd ardayga. Balse imika ardaygii waxa uu noqday in sidii xanjo inta macaanka laga dhammeeyo muddo dheer kadib dibada loo soo tuuro iyada oo laleeyahay waad qalin jabisay! Muxuu qalin jabin dhaqaalihii yaraana waad ka dhammaysay, wakhtigiina waad ka dishay, xabad caday ahna uma goyn karto wixii aad bartay marka waaqica la yimaad, maxaa yeelay macluumaad guud bay ahayd oo xirfad maad barin! Bal khiyaanadaa eeg! Laba iyo toban sanno kadib waa qof cidlo taagan, macluumaadka guudna wuxuu kala siman yahay qof aan dugsi aadin oo bil internet-ka dul fadhiyey si iskii ahna wax u baadhay! Laba iyo toban sanno waxa ay u dhigantaa bil aad khadka si fiican wax uga baadhay ileen waa aqoon guud oo takhasus laguma barto dugsiyadee.
Dhaliishu waa seddex qodob; Manhajka, muddada dheer iyo macallinka.
1. Manhajku kuma dul dhisna baahida waddanka taal, waa iska macluumaad guud oo aan nolosha qofka si gun balaadhan waxba uga beddelayn. Bal maxaa iiga caba taariikhdii Cabaasiyiinta, kacdoonkii Faransiiska, kacaankii warshadaha reer Yurub IWM. Waxaasi tage naftayda ayaa badbaado u baahan ee i bara wax aan ku badbaado, aniga ayaa dib ka raadsan doona taariikhdaa guude. Eedda koowaad ee manhajku waa inuu yahay macluumaad guud oo nolosha waaqica saamayn ku lahayn ha noqoto sida uu u qoran yahay ama sida loo gudbiyabee.
Dhibaatada labaad ee manhajku waa in uu soo noqnodo oo wixii sannad ka hor ama shan sanno ka hor lagu baray baad dib u baranasaa marar kale! Maaddooyinka oo dhammi way soo noqnoqdaan, waa iska dabo wareeg aan faa'iido lahayn. Wakhtiga badan ee laba iyo tobanka sanno ahina iska dabo wareegaas buu ku lumaa, mana jirto wax cusub oo wakhti lagu bixin karaa, maalin walba halkii shalay uun baad joogtaa. Dhibaatada seddexaad ee manhajka haysataa waa in aanu kala soocnayn. Waa isku dhex jir ka kooban saynis iyo cilmi bulsho(natural science & social science). Haddii la kala saaro ardayga waxa u fududaan lahayd inuu barto qaybta u sahlan ee uu xiisaha u qabo. Ardaygii danaynaya xisaab, fiisigis, kimistari... si gaar ah ha u barto oo yaan waxba lagu qasbin maaddooyin aanu rabin sida taariikh, Juqraafi..., cagsiguna waa lamid. Taasi waxa ay keenasaa in qofku wixii uu ku fiicnaa barto, wakhtiga ku baxayaana uu soo yaraado.
Si dhibaatada manhajka looga baxo waxaa la rabaa in aasaaskiisa laga dhigo xirfad abuure si ardaygu waaqica nolosha ula qabsan karo, waa in aanu khiyaali noqon ee uu runta ka duulaa. Runtu waa in ardayga isku filaansho la gaadhsiiyaa oo xirfado la baro lagana daayo macluumaadkan guud ee madhan, hal muxaadiro ayaa lagu soo koobi karaa macluumadkan guud ee laba iyo tobanka sanno la dhiganayo. Xirfaduhu kaliya kuwa shaqo maahee waxa ka qayb ah hab-qoraalka tolmoon ee luuqadaha, qof baad arkasaa aan hal warqad si sax ah u qori karin haddana sheeganaya inuu waxbartay. Sida oo kale waa in meesha laga saaraa casharada soo noqnonaya isla jeerkaana laba loo qaybiyo manhajka(Sceince & Art) taasi waxa ay keeni in wakhtigu koobmo nuxurkana lagu soo dhawaado, ardayguna isku filaansho gaadho.
2. Muddada dheer; run ahaantii uma qalanto laba iyo toban sanno oo dhan, waa cimrigaaga badhkii, waliba qaybtii ugu muhiimsanayd ee aad wax qabsan lahayd weeye. Laba iyo toban sanno waxaa kaaga filnaa ugu badnaan siddeed sanno oo loo qaybiyo afar iyo afar(dugsi hoose iyo mid sare). Horta yaa innagu yidhi laba iyo toban sanno wax ka yar waxba laguma baran karo? Innagu waa carruuraha Yurub ee adeegyadoodii dawladdu qaabishay ee xeryaha iskaga xeraysan baynu nahay? Sow inama sugayso noloshaad ogayd ee ayna cidna kaa caawinayn? Uma baahnid in waxaas oo wakhti ah lagaa lumiyo, siddeedaa sanno ku baro; luuqadaha, xirfado, farsamadda casriga ah(technology), naqdinta(critical thinking) iyo maaddooyinka aasaasiga ah ee sayniska, xisaabta iyo diinta. Qof isku filan baad tahay markaa, wakhti uma haysid laba iyo toban sanno oo ah xog aanad u baahnayn.
3. Macallinka; macallinku waxa uu ku fashilmay inuu ardayga fahansiin karo wax ka guddo balaadhan xarfaha buugga ku qoran, kaliya tamartiisii waxa ay noqotay inuu afqalaad kuu macneeyo. Qof aan casharkaba fahan(concept) ka haysan buu xarfo u turjumayaa. Tusaale ahaan haddii aan idhaah Caasimadda Suudaan waa Khatruum aan kadibna iska baxo ardaygii casharkii si gundheer uma fahmin ee xarfo ayuu fahmay ama weedho. Waxaa ka horaysa inaan sharxo waa maxay caasimad? Maxaa ay qabataa? Maxaa loo yidhi caasimad? Ardaygu waa inuu fahmo macnaha caasimad iyo waxa ay ka turjumaso ka hor inta aan loo sheegin dalka ay ku taal. Casharada macallinku waa tabtaas oo miidhan, haddii uu xisaab ka shaqaynayo kaliya tallaabooyin looga shaqeeyo buu tirinaya kadibna wuu maraya tallaabooyinkaas, balse waa maxay xisaabtani? Maxa ay qabataa? Halkee ayey ku sal leedahay? Kama jawaabi karo. Macallinku waa turjume afkeed ee barre maaha marka uu doorkan qaadanayo!
Macallinku waa in aanu noqon mid ardayda imtixaanka soosocda u diyaariya, balse waa inuu noqdaa mid nolosha soosocota u diyaariya ardayda. Imtixaanka waxa kaaga filan xarfo aad xifdido kadib warqada aad ku qorto se, noloshu aqoon dhab ah iyo xirfad bay kaa doonasaa.
Dhalinyarta waxa aan u rajaynayaa inay mar uun ka dawaabi doonaan khiyaanad cimrigoodii lagu dilay!
0 Comments