BRICS waa isbahaysi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay samaysteen 2009-kii dawladaha magaciisa laga soo koobay ee Brazil, Russia, India, China iyo South Africa oo gadaal kaga soo biirtay 2010-kii. Urrurkan ujeedada u weyn ee loo sameeyey waa iskaashi dhaqaale, mid maalgashi, xulafo siyaasadeed iyo iska caabinta reer galbeeda gaar ahaan kooxda G7 ee uu Maraykanku hoggaamiye kuwaasi oo isku arka quwada koobaad ee dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka.
BRICS waxa gacanta ugu jira 40% dadka adduunka ku nool, waa tiro u dhiganta 3.2 bilyan oo qof, dhul ahaana 25% dhulka adduun ayey haystaan, halka dhaqaale ahaan ay $28.06 tiryal oo u dhiganta 26.6% dhaqaalaha adduunka. Dhinac walba waa ka tiro culus oo adduunka isbeddel weyn ku keeni karta. Maanta oo u danbaysay lix waddan baa ku soo biiray kuwaasi oo kala ah; Itoobiya, Masar, Iiraan, Sucuudiga, Imaaraadka iyo Arjantiina. Waa waddano miisaan culus ku leh caalamka, barriga dhexe iyo barriga Afrikaba. Sida oo kale waxa jira dalal badan oo la filayo in ay ku soo biiraan urrurka, waxa ka mid ah dalka Indonesia oo ah dalka afraad ee adduunka ugu dadka badan, dhaqaale ahaana aad u sareeya oo ku jira 20-ka u horreeya(G20).
Isbeddelka xawliga ah baa dhaqaalihii iyo siyaasaddii adduunku ku socda. Barriga dhexe Israa'iil mooyee inta kale isku mawqif bay noqdeen, Turkey, Iiraan iyo Caraba, halka barriga Eeshiya iyo koonfurta Eeshiya; Shiinaha, Hindiya iyo Ruush ay is wateen. Maantana waxa ay xoojiyeen urrurkii ay ku midoobeen, taasi wax weyn bay u goyn doontaa. Iyagu waxa u weyn ee ay raadinayaan waa suuq ay alaabtooda u iibgeeyaan si uu dhaqaalahoodu kor ugu kaco, dad baa lagu dagaalamayaa muhiimadu jaarnimo maaha. Halka dalalka yaryari ay maalgalin dhaqaale iyo dayn raadinayaan, taasna mar hore ayuu urrurku ka sii fekeray oo waxa ay sameeyeen bangi lagu magacaabo Baniga horrumarinta cusub (New Development Bank), lacag dhan $30 bilyan ayaa loo qorsheeyey inuu ku bixiyo amaah ahaan si uu u maalgeliyo kaabayaasha dhaqaale ee dalalka ku soo biiray urrurka. Tani waxa ay khadka ka saarasaa Baanka Adduunka iyo hay'adda lacagta addduunka ee IMF oo reer galbeedku dunida kale ku gumaystaan.
Jihada cusub waa dheeli tir ku dhici doona, caalamkii dhinaca ka rarnaa muddada dheer. Dhawaan fisha lacag aan doollar ahayn iyo Af aan Ingiriisi ahayn!
0 Comments