Please enable JavaScript to access this page. Hindiya oo dayaxa ka degtay!

Hindiya oo dayaxa ka degtay!

 

Hindiya oo dayaxa ka degtay!


 

 

--------------------------
Maanta oo taariikhdu tahay 23 Aug 2023 waxaa si rasmi ah u guulaystay hawlgalkii Chandrayaan-3 mission ee uu dalka Hindiya ku doonayey sahaminta oogada dayaxa. Waa hawl gal qaatay muddo 40 cisho ah, lacag dhan $75 million iyo ku dhawaad 1,000 qof oo iskugu jira Saynis yahano iyo Injineero ku hawlnaa. Dayax gacmeedu waxa uu jarayey xawaare ah 6,000km saacadiiba isaga oo cidhifka koonfureed ee dayaxa ku fadhiistay maanta.
Waa guul weyn oo u soo hooyatay dad waynaha Hindiya, caalamkuna hambalyo weyn buu u diray dedaalka ay muujiyeen. Ra'iisalwasaaraha dalkooda oo ka hadlayna waxa uu ku tilmaamay guul bani-aadanka u soo hoyatay.
Hindiya waxa ay noqotay dalkii afraad ee ka dega dayaxa kadib Ruushka, Maraykanka iyo Shiinaha. Sidaas bay Hindiya ku noqotay dal hawada sare awood ku leh oo loollan cusub ku keeni doona intii hore.
Hawlgalka Chandrayaan-2 mission hore ayuu 2019-kii u fashilmay kadib markii la waayey isgaadhsiintii isaga oo guul ku dhaw, niyad jab kamay qaadin ee mar kale ayey hay'adda u qaabilsan sahaminta faggaaga ee ISRO iskuday samaysay wayna ku guulaysteen.
Hambalyo! La kala tag orod se maaha!

Post a Comment

0 Comments